Thursday, October 23rd, 2014

Daawo Video: Laba Darajo Oo Cusub Oo Saaxdheer Laga Bixiyey Iyo Gaas Cusub Oo Hubaysan Oo Kooxda Khaatumo Kusoo Biiray!

Published on August 6, 2014 by   ·   No Comments

Tan iyo markii la unkay mashruucan indhosarcaadka waxa marba dadka shacabka ah ee sida tooska ah utaabanayso  dhibka dhulka ka maqan loo maleegayey maaweello. Maaweelloyinkas iyo madadaallooyinkaasi marba way is bed-beddelayeen (Narratives). Waxase la yaab leh sida dadkaasi  aanay in badan oo ka mid ahi udareemayn maaweelooyinkaasi ee ay marba mid ula jaan qaadayeen markay isa soo xidhana mid kale oo diyaar ah loo allifayey.

Bal hadda aynu eegno in yar oo ka mid ah maaweellooyinka mashruuca khiyaamadu marba mid unkayeen si ay dadka u indha sarcaadiyaan.
Ali Khalif and his battle of narratives 

1)      Somaliland dhulkeenna ma rabtee waxay shuruud ka dhigeen Dhulbahantoow Puntland ka baxa
2)      Dagaalba uma baahnine haddaynu maamul dhisanno Laba Cali ayaa dawladaha deriska ka soo dhammeeyey in dhulkeenna Somaliland bannaynayso.
3)      Guuto koowaad ayaa difaaca ugu horreeya ku jira iyagaana ku filan Somaliland inay dhulka ka xoreeyaan.
4)      Adduunka aynu ka mudaharaadno si laynoo arko inaynu Somaliland diiddanahay markaasaa Somaliland lagu khasbayaa inay dhulka inooga baxaane
5)      Dawladda Federaalka ayaa ina aqoonsatay oo Somaliland ku khasbaysa inay dhulka ka saarto
6)      2000 oo nin ii Ciidan ah ayaa Dawladda Federaalku inoo qaramaysay oo laynoo hubaynayaa kuwaasaa Somaliland dhulka ka saaraya
7)      Kumeelgaadh baynu nahaye markaynu maamul rasmiya dhisanno adduunkaa ina aqoonsanaya markaa amarkeennu wuu soconayaa waana shuruudda ugu danbaysa ee laynagu xidhay
8)      Satellite ayaa hawadaa inaga ilaalinaya oo la socda dhaqdhaqaaqa ciidanka Somaliland ismana dhaqaajin karaane hawsheenna inoo wada
9)      “Walaalaheen Cumar Maxamuud” baa hub iyo taakulo ina siinayee waddadaa irmaan baynu haysannaaye ha ubiqina
10)   Difaaca ugu horreeya ee aan la dhaafi karayn waa “Geedkaa Xagarka ah waana Gaaska koowaad ee Khaatumo”  Bal nala daawada Cali Khaliif iyo Geedkii Xagar oo Jiidda hore ee dagaalka ku jira 
Xagar
Waxa la yaab leh toloow maxaa xiga oo Cali Khaliif usheegi doonaa kaadirintiisa iyo inta dhibban ee indhaha iyo dhegahaba xidhan. Waxay ila tahay qorraxda iyo hawada iyo daruuruhuna way soo socdaan inay ka mid noqdaan ciidamada Cali Khaliif.
Waxa dhowaan warbaahinta Cali Khaliif lasoo geliyey “Ergo ballaadhan oo Ugaadhyahan ah” oo ka kala timid degaanno fara badan ayaa lagu soo dhoweeyey Saaxdheer! Haddaba intiinna caqliga adeegsataa bal isweydiiya maxaa ergadaa  ballaadhan laynoo tusi waayey?  Dadka weftiga balladhan lagu sheegayaa waxay ahaayeen.
Laba nin oo reer Faarax Cali ah oo isu adeera oo midkood yahay Caaqilkii reer Faarax Cali (Ismaaciil Wadaad).  Nin Gaboobe ah oo la yidhaahdo ina Cali Ciise oo reer Bari ah oo aanay Gaboobe warba isu hayn. Iyo Laba nin oo ah dillaaliintii reer Ceerigaabo.
Arrinta qosolka lahaydi waxay ahayd markii la arkay Ismaaciil Wadaad mooyee inaanay dadkani wadan magac lagu ladho ama mas’uuliyad, in sidii Cali Khaliif iyo kooxdiisa reer Saaxdheer caadada u ahayd isla goobtii labadii dillaal ee reer Ceerigaabo loogu tolay laba darajo oo cusub! Nimankan magacyadoodu waxay ahaayeen Axmed Sheekh Jaamac iyo Curri Maxammed Aadan. Hase yeeshee si dadka loo indhasarcaadiyo oo looga dhigo in rag culus oo masuuliyiin ahi Sanaag ka yimaaddeen ayaa darajooyinkan loo tolay oo lagu tisay.  Waa kuwan darajooynikii!
·         Chief Caaqil Cabdullaahi Maxammed Aadan. Hadda waa ninkii Curri aad wada garanaysaan oo aan weligiis Caaqil iyo Nabadddoon toona meel usoo marin! Sheekaa beri ahayd “From Butcher to King very high jump” Maanta waa dillaal to Chief Caaqil……..
·         Professor Axmed Sheekh Jaamac.  Ma Jaamacad Saaxdheer ku taalluu Axmed Sheekh Jamac wax ka dhigaa? Ma iyaduu ka qalin jebiyey? Goormuu Dugsiga sare iyo kan dhexe Axmed galay? Miyaanu ahayn Axmed kaannu naqaanney maanta iyo maalintuu dab ka baydhay? Sheekadan Axmed Sheekh Jaamac baa Professor ah waxay iyana isoo xusuusisay, Xilligii Itixaadku  Xamar iyo Soomaaliya ku xoogganaayeen ee iyaga Argagixisada lagu sheegi jirey ayaa Muuse Suudi Yalaxoow oo la waraysanayo weriyihii ku yidhi; Muuse Suudi waxa lagu xantaa inaad Al-Itixaad ka tirsan tahaye maxaad arrinkaa kaga jawaabaysaa? Muuse intuu qoslay ayuu ku jawaabay “Horta ma tukataa ma ka horreysoo”. Hadda Axmed Sheekh Jaamac waa professor miyanay ka horrayn Jaamacadi ha joogtee inuu Dugsi Sare iyo dhexe toonna Galay?
Bal nala daawada goobtii darajooyinka lagu guddoonsiiyey Kaariyada reer Ceerigaabo.
 Curri iyo Axmed
cali-khalif

Readers Comments (0)



Kala Soo Xadhiidh Shabakada Wargal24: Wargalmedia@gmail.com

wararkii hore

download (9)

Cali oo Cabdiweli Gaas u Hanjabaya, Ethopiana u Ambabaxay iyo Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse (Xaaji Kafee) oo la Dhaariyey.

October 21, 2014
Prof. Cali Khalif Galeydh , hoggaamiyaha mashruuca Khaatumo iyo xubno ka tirsan maamulkii uu ku dhistay Eerigoo ayaa ...

DAAWO VIDEO SUXANALAH: Curyaaminta Somaliland Ee hargaysa”Nagahayagii Ragba Nagu Dulqaba Habeenkii ,Shaah Wadayadii Bac Ayaan Ku wadana”

October 19, 2014
DAAWO VIDEO SUXANALAH: Curyaaminta Somaliland  Ee hargaysa”Nagahayagii Ragba Nagu Dulqaba Habeenkii ,Shaah Wadayadii Bac Ayaan Ku wadana” ninkii aanu ...
safe_image

Daawo Labad Fanaan Ee Asma Love Iyo Barwaaqo Qalanjo Oo Madax Isla Galay Kadib Markii Muranku Hees Ka Dhashay Daawo

October 19, 2014
dhawaan ayaa fanaanada ku cusub fanka ee barwaaqo qalanjo ayaa soo saaratay hees ay sheegtay inay iyadu leedahay ...
Untitled_First_Frame

Daawo:Soo Dhawayntii MD Cabdi Wali Maxmed Cali Gaas Oo Si Heer Sare Logu Soo Dhaweeyay Lodon Daawo

October 19, 2014
waxaa maalintii shalay si heersare ah loogu soo dhaweeyay wadanka engiriiska   madaxwayanaha maamulka puntland mudane abdiwali cali ...
Untitled_First_Frame

Daawo Muqaal: Hayada Dalkaab Oo Dugsi Ka Dhisaysa Degaanka Masagan Ee Ka Tirsan Gobolka Sanaag

October 18, 2014
Hayada Dalkaab Ee Ka Hawl Gasha Gobolada Sool iyo Sanaag Ayaa Ka Bilowday  Degaanka Masagan Ee Ka Tirsan ...
Hassan Sheikh Mohamud

DAAWO: Madaxweyne Xasan Shiikh oo wareysi uu siiyey Universaltv uga hadlayArimo Xasaasiya Sida hishiiska Puntland iyo shirarka magaalooyinka Garbahaareey iyo Kismaayo.

October 18, 2014
Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, oo dhawaan socdaal ku gaaray magaalada Paris ee dalka France ayaa ...